Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxaani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasi oo inta badan soo gaaray dad shac ah oo goobta Qaraxa ku sugnaa.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen laba ruux oo midi uu ahaa Askari, halka ruuxa kale uu ahaa shacab.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa Seddex ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo xiliga Qaraxa ku sugnaa Isgoyska Towfiiq oo ah halka uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi buux dhaafiyay Ciidamada Ammaanka degmada iyo kuwo kale oo ka kala tirsanaa laamaha amaanka, waxa ayna halkaasi ka sameeyen baaritaano dad lagu qabqabtay.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com