Sawiro: Sidee madaxweyne Xasan loogu soo dhaweeyay Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Nairobi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya waxaana Madaxweynaha si toos ah loogu gudbiyay Madaxtooyada Nairobi.

Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi uu kaga qeybgalo Shir Madaxeedka 6-aad ee Wadamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development).

Wajiga Koowaad ee shirkaasi ayaa ka dhacay magaalada Tokyo, waxaana ujeeddadiisu ahaa kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.
Xasan 1

Xasan 2

xasan 3