Sawirro: Sidee ayuu maanta u furmay shirka Afrika iyo Japan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka furmay shir madaxeedkii u dhaxeeyay dalalka Afrika iyo sidoo kale dowladda Japan ee TICAD loo yaqaano.

Shirkaani ayaa qeybtiisa hore waxaa lagu qabtay magaalada Tokyo ee xarunta dalka Japan, sannadkii 1993-kii, waxaana ujeeddadiisu ay ahayd kobcinta horumarka Afrika, nabadda iyo amniga, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Shinzo Abe oo ah Ra’iisal wasaaraha dalka Japan, ayaa furitaanka shirkaan oo socon doono labo maalmood ka jeediyay khudbad uu ugu hadlayay xiriirka Japan iyo Qaarada Afrika.

Mr Shinzo Abe, ayaa inta ay soctay khudbadiisa madasha shirka ka shaaciyay in dowladiisu ay bixineyso 30 bilyan oo dollar oo gargaar ah marka la gaaro 2018-ka.

Abe wuxuu sheegay in u jeedadu ay tahay in sare loo qaado xiriirka ganacsiga ee dalkiisu la leehay Afrika.

Shinzo Abe waxaa safarkan ku wehliyo illaa iyo 75 qof oo ka tirsan ganacsatada waaweyn ee dallkiisa.

Shirkan ayaa Nairobi ka socon doona Labo cisho oo xiriir ah, waxaana waxyaabaha looga hadlayo ka mid ah arrimaha dhaqaalaha, ganacsiga ammaanka iyo arrimo kale oo ku aadan xiriirka Japan iyo Africa.

Waa markii ugu horreysay oo Africa lagu qabto shirkan, iyadoo markii ugu horreysay shirka TICAD lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1993.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Japan's Prime Minister Shinzo Abe attends the Sixth Tokyo International Conference on African Development in Kenya's capital Nairobi
2

3

4

5

6

7

8

9

10