Arrin ku cusub lacagtii BANKIGA DHEXE ee Somalia lagala baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan maalmo un ka hor uu Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir Ciise Cali xaqiijiyay in Bankiga Dhexe lagala baxay lacag dhan shan boqol iyo sodon kun oo dollar ($530,000), ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyada BFS Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi oo u waramaayay Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay la socdaan Musuqa ka dhex jira Bankiga Dhexe.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in dhankooda aysan ka gaabin mas’uuliyada saaran balse ay jiraan waxyaabo yar yar oo aan ishu qaban kuwaasi oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay in Musuqa jira uu yahay mid aad u ballaaran, hadana ay socdaan sharciyo la doonaayo in lagu burburiyo musuqa ceynkaasi ah ee kusii baahaaya guud ahaan dalka, gaar ahaan xarumaha Hay’addaha qaar ee Dowladda.

Xildhibaan Maxamed ayaa waxuu tilmaamay in aysan gabin kaalintooda balse waxuu carabka ku dhuftay in ay u caalwaayeen musuq maasuqaasi.

”Musuq-maasuqa jira waxaa indhaha ka laabtay Hay’addihii looga baahnaa in ay wax ka qabtaa musaqa taasi waxa ay keentay in Musuqa uu dalka kusii baaho”

Xildhibaan Maxamed, waxa uu sheegay in mudada u harsan ay qaadi doonaan talaabooyin lagu xakameyn doono Hay’adaha ugu badan ee saaxiibka u ah Musuqa, waxa uuna rajo ka muujiyay ka hortaga musuqaasi.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Hay’adaha ay quseyso ka hortaga Musuqa ay gacmaha ka laabtaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online