Keating oo walaac ka muujiyey sida dhaqaalihii DF Somalia loo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michel Keating, ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay dowlada Somalia u maareyn la’ dahay dhaqaalaha keydka ah ee ku jira Qasnada dowlada.

Michel, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ku jirto xili aad u adag balse aysan jirin Hay’addo maareyn kara dhaqaalaha dowlada, waxa uuna carab dhabay in dhaqaalaha ugu badan ee dowlada ay ku baxdo qaabab khaldan.

Michel, waxa uu tilmaamay in dhowr jeer ay dowlada Somalia kala hadleen qaabka loo xadidikaro dhaqaalaha keydka u ah, balse aysan jirin cid tixgalisa warkooda.

Musuq-maasuq baahsan ayuu sheegay inay ka dhex jiraan Hay’adaha dowlada kuwaasi oo saameeyay min Madaxtooyada ilaa Hay’adaha ugu hooseeya dowlada, waxa uuna sabab uga dhigay maareyn la’aanta dhaqaalaha ku jira Keydka dowlada iyo la xisaabtan la’aanta madaxda dowlada.

Waxa uu sheegay in Somalia ay ku filan tahay dhaqaalaha kasoo xarooda Dekadaha iyo Garoomada dalka, hase yeeshee dhammaan dhaqaalaha kasoo baxa ilaha dhaqaale ay ku baxaan qaabab musuq-maasuq ah.

Michel, waxa uu walaaca ugu badan ka muujiyay sida lagu koontarooli lahaa dhaqaalaha iminka ku jira Qasnada dowlada ka hor inta aysan dhicin doorashada dalka, waxa uuna si maldahan u carab dhabay inuu ka cabsi qabo in dhaqaalahaasi loo adeegsado ololaha Xassan Sheekh u gaarka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Michel Keating, ayaa Hay’adaha dowlada ugu baaqay inay ka fogaadan waxa uu ugu yeeray Musuqa la Qarameeyay.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com