Xog: Siyaasiyiin iyo Odayaal safaf dhaadheer ugu jira Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online):-Waxaa Madaxtooyada Somalia ku qulqulaaya Siyaasiyiin iyo Odayaal dhameed la sheegay in ballan hore uu u dhegay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka oo taageero u ah Madaxweynaha dalka ayaa waxaa la sheegay in Villa Somalia ay safaf dhaadheer ugu jiraan qaadashada Bastoolado la sheegay inuu u ballanqaaday Madaxweynaha dalka.

Bastooladahaani ayaa la sheegay in laga soo saaray Bakhaarka Hubka ee ku yaalla Villa Somalia, kuwaasi oo kalsooni looga raadinaayo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ololaha ugu jira sida mar kale uu kusoo laaban lahaa Madaxweyne Xassan Sheekh.

Amarka lagu bixinaayo Bastooladaha ayaa la sheegay inuu kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in kalsooni lasiiyo Xassan Sheekh oo wakhtiga gabaabsi ka yahay.

Siyaasiyiinta Hubka lasiiyay ayaa waxaa ku jira kuwo la filaayo inay kasoo dhexmuuqan doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia, halka Odayaashuna la sheegay inay yihiin kuwa ka qeybqaadanaaya xulista labada Aqal ee Baarlamaanka.

Tani ayaa muujineysa in Madaxweyne Xassan uu ku tagrifalaayo amaanada Qaranka, ka hor inta uusan xilka ka degin.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com