XOG: Boorsaani oo dhaqaale ku shubay Akoonka Xassan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online):- Ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Jimcaale (Boorsaani), ayaa xaqiijiyay in Boorsaani uu dhaqaale culus ku shubay Akoonka gaarka ah ee uu leeyahay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Dhaqaalaha uu Boorsaani ku shubay Akoonka Xassan Sheekh, ayaa la sheegay inay tahay Canshuurta Gobolka Banaadir ee Seddexdii bil la soo dhaafay laga soo uruuriyay dadka shacabka ah ee ku dhaqan Degmooyinka G/Banaadir.

Dhaqaalahaani lagu shubay Akoonka ayaa la sheegay in horay uu u dalbaday Madaxweynaha, iyadoo ujeedka dhaqaalahaasi lagu sheegay u adeegsiga doorashada Xassan Sheekh.

Dhaqaalahaani ayaa waxaa markii hore loogu tallo galay in lagu dhiso qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay burburiyeen roobabkii dhawaan ka da’ay magaalada Muqdisho.

Dhaqaale uruursiga Madaxweynaha Somalia ayaa saameyn ba’an ku yeeshay bilicda iyo amniga magaalada Muqdisho, maadaama lacagaha iminka ku dhaca Akoonka Xassan xiligii hore lagu bixin jiray dhismooyinka iyo ciidamada ilaaliya amniga isgooysyada Muqdisho.

Geesta kale, Boorsaani oo arrintaani horay wax looga weydiiyay ayaa ka gaabsaday, isagoo sheegay in dhaqaalaha kasoo xarooda Gobolka Banaadir ay ku baxdo halkii ay ku habooneyd.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com