Xog: Shirqool Xasan uu u dhigay madaxweyne Shariif oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud uu ku fashilmay shirqool cusub oo uu ku doonaayay inuu ku khaarijiyo Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu diyaariyay ilaa 11 Askari oo loo xilsaaray dilka Sheekh Shariif kuwaasi oo lagu biiriyay ciidamo loogu tallo galay ilaalinta amniga Sheekh Shariif mudada gaaban ee uu ku howlan yahay ololaha doorasho.

Askartaani uu diyaariyay Xassan Sheekh ayaa waxaa lagu soo baraarugay kadib markii Taliyayaasha ciidamada Sheekh Shariif ay heleen xogta ku aadan in Ex Madaxweynihii Somalia loo maleegaayo qorsho dil ah, iyadoo raggii dili lahaayna ay qeyb ka yihiin ciidamada ilaalada u noqon doona Sheekh Shariif.

Xogtaani kadib ayaa la sheegay in Seddex meelood laba meel oo kamid ah Ciidamada loo diyaariyay Sheekh Shariif la kala diray sababo la xiriira shaki ka dhashay qorshaha dilka, sida aan kasoo xiganay Sargaal ka tirsan ciidamada magaalada Muqdisho loogu diyaariyay Sheekh Shariif.

Dhiga laga soo reebay ciidamada la kala diray ayaa u badan kuwo ay hal oday ama laba oday kala tirsadaan Sheekh Shariif, waana sababta ugu weyn ee Musharaxa uu u imaan la’ yahay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa iminka aad uga cabsi qaba dhanka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh oo isaga aan taageero ka heysan dhanka Beesha Caalamka, halka Sheekh Shariif uu heysto kalsoonida ugu badan ee reer galbeedka.

Sirdoonka dowlada Ugandha ayaa horay u helay xogo muujinaaya in Xassan Sheekh uu shirqool la maagan yahay Sheekh Shariif, waxaana jiray xog la xiriirtay in Xassan Sheekh uu raxan dhalinyaro ah u diray magaalada Kampala si ay u khaarijiyaan Sheekh Shariif.

Geesta kale, dowlada Ugandha ayaa damaanad qaaday amniga Sheekh Shariif sababo la xiriira cabsida laga qabo khaarijinta Sheekh Shariif oo sii kordheysa.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com