Arrin kusoo korortay xiisada ka dhex oogan Qaramada Midoobe iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Qaramada Midoobe ayaa dhawaan wafdi u soo direysa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaasi oo madaxweyne Muuse Biixi kala hadli doona xiisada kala dhaxeysa, sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed.

Xukuumadda Muuse Biixi ayaa kal hore xayiraad kusoo rogtay hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala deegaanadaeed, iyada oo gebi ahaanba laashay wada-shaqeyntii kala dhaxeysay, kadib markii ay la xiriirsay dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi aya Qaramada Midoobe ku eedeyay inay ku xad-gudubtay madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, isla markaana ay hoos geysay dowladda federaalka oo uu sheegay inay col-yihiin.

Wafdigan oo ilaa hadda xog faah-faahsan laga hayn cida hogaaminaysa ayaa waxay madaxweyne Biixi kala hadli doona go’aanka ka dhanka ah ee uu qaatay, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay meesha ka saaray wada-shaqeyntii tooska aheyd ee QM iyo Somaliland.

Waxa kale oo ay xukuumadda Biixi kala xaajon doonaan wafdigaas sidii meesha looga saari lahaa xayiraada ay kusoo rogtay Somaliland, taasi oo hakad galisay mashaariicdii iyo howlihii horumarineed ee QM ka waday deegaanada maamulkaas.

Somaliland ayaa hore deegaanadeeda uga mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay, iyada oo hakisay wada-shaqeyntii ka dhaxeysa, midaasi oo ku sheegtay inay uga jawaabeyso faro-gelin ka dhan ah madax-banaanida ay ku doodo.

Hay’adaha kala duwan ee QM ayaa howlo horumarineed iyo mid bani-aadanimo oo baaxad leh ka qaban jiray deegaanada Somaliland, kuwaasi oo muddooyinkii dambe uu hakad ku yimid, kadib go’aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.