R/W Rooble oo maanta ku wajahan Garowe + Ujeedka

Garowe (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxemed Xuseen Rooble & wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa iney gaaraan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Safarka ra’iisul wasaaraha waxaa lagu qeexay mid la doonayo in lagu xaliyo tabashooyinka ka jira arrimaha doorashooyinka, wuxuuna doonayaa inuu dowlad goboleedka Puntland oo ka mid ah maamullada tabashada ka qaba arrimaha doorashooyinka uu kala hadlo sidii isku aragti looga noqon lahaa hanaanka ay wax u socdaan.

Sidoo kale warar hoose oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in sidoo kale uu Mr. Rooble maamulka Puntland kala hadli doono maxaabiis kasoo jeeda deegaanada Galmudug oo falal burcad-badeednimo iyo arrimo kale ugu xiran deegaanadaas.

Shalay waxaa magaalada Garowe gaaray wafdi hordhac u ah safarka ra’iisul wasaaraha waxaana hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Dood badan ayaa ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay yahiin labada maamul ee wali ka biyo diidsan arrimaha socda, ra’iisul wasaraaha ayaana safaradiisa ka dhex sheegay shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka oo dhawaan Muqdisho ka dhacay.

Magaalada Garowe maanta waxey isu diyaarineysaa soo dhaweynta ra’iisul wasaraaha Soomaaliya, amaanka aad ayaa loo adkeeyay, waana markii ugu horreysay uu safar ku aado deegaankaas tan iyo markii la magacaabay.