Arrin la gudboon dowladda si aysan u soo laaban fadeexad lamid ah tii maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa waxaa dul hoganeysa fadeexad weyn, kadib markii ay isku deyday in lacago u muuqda “sharci darro” ay kusoo rogtay rakaabka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa shirkad gaar ah u xirtay mashruuc ujeedkiisu yahay lacag aruursi iyo macaash qolo gaar ah, ayada oo shirkadaha diyaaradaha lagu amray in system ay leedahay shirkadaasi ku shubaan xogta rakaabka kahor inta aysan safrin, ayada oo lagu dalacayo lacag dhan $9 calaa qofkii.

Lacagtaan ayaa loogu tala-galay in lagu shubo akoon ay leedahay shirkada loo xiray mashruucan, oo ay maamulayaan shaqsiyaad gaar ah, taasi oo gogol xaar u ah musuq-maasuq aan geed loogu soo gamban.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay shaqadii ka socotay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay diideen shirkadaha diyaaradaha in rakaabka ku dalacaan lacagtaan, ayna ku shubaan akoon gaar loo leeyahay oo aan aheyn xataa mid dowladeed.

Arrintaan ayaa waxaa maanta soo fara-geliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shacabkii ku xayirnaa gudaha garoonka amray in loo fasaxo duulimaadyadooda, ayada oo uu ka raali-geliyay rakaabka arrinkaan, oo ay gadaal ka taagan tahay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.

Haddaba, maxaa la gudboon madaxda sare ee dalka si aysan usoo laaban fadeexad lamid ah middii maanta ama ka daran?

Marka hore, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mid kamid ah sababihii loo doortay waxay aheyd inuu wax ka beddelo culeyska dhaqaale ee haystay shacabka Soomaaliyeed.

Laakiin tan iyo markii uu xafiiska yimid waxa uu dalka wajahaya dhaqaale xumo baahsan, dowladdana ciqaab dhaqaale ayay kusii haysay shacabka.

Ayada oo qof walba oo xafiis loo dhiibay uu maalin walba hindisayo sidii lacago akoonno shaqsi lagu shubaayo uga qaadan lahaa shacabka Soomaaliyeed, taasi oo aad uga soo horjeeda sababihii loo doortay madaxweyne Xasan.

Madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ayaa xilligaan waxaa la gudboon in ay ka hortagto ciqaabta maaliyadeed ee xafiisyada qaar u geysanayaan dadka danyarta ah.

Sidoo kale waa in dowladda u diido dhaqanka wasiirada qaar ku sameysteen shirkado ay iyagu leeyihiin oo ay dad kale ku qorteen oo ay rabaan inay ku dhacaan shacabka Soomaaliyeed, si aysan markale fadeexad weyn dhexda uga gelin dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.