Sawirro: Muxuu Xasan kala hadlay Mareykanka iyo Norway?

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, la-dagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dowlad dhiska.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay Norway in ay sii kordhiso doorka ay ka qaadato horumarinta, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada, xasiloonida Soomaaliya iyo gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Norway ayaa bogaadiyay horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan amniga iyo dowlad dhiska, isagoo xusay in Norway ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta qaabilay ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Shane Dixon, waxayna ka wadahadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa diiradda saaray iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dal. Waxay dib u eegis ku sameeyeen siyaabaha kor loogu qaadi karo dadaalka wadajirka ah ee looga hortagayo khatarta argagixisada caalamiga ah.