Arrin NAXDIN leh oo laga soo sheegay gobolka GAL-GADUUD kaddib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Deegaanka Baxdo ee Bariga Degmada Cadaado ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu isku daldalay Aabe nolosha dhowr Carruur ah ay ku xiriirtay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Aabahaasi uu kamid ahaa dadka xoogooda ku shaqeysan jiray dhibaato dhanka Nolosha ah oo lasoo gudboonaatay darteedna uu isku daldalay.

Mid kamid ah dadka Deegaanka Baxdo, ayaa inoo xaqiijiyay in Marxuumka lagu magacaabi jiray Xusein Xaashi Cilmi, waxa uuna sheegay inuu qolka isku xiray kadibna uu qoorta isaga xiray xarig sidaana kuwaayay naftiisa.

Marxuumka ayaa waxa uu Ifka uga tagay in kabadan 12 Carruur ah.

Is daldalaada Marxuumka ayaa waxaa la sheegayaa inuu Salka ku haayay Dhaqaallo yari soo food saartay sidaana uu isku dilay.

Ma aha markii ugu horeysay uu Muwaadin Soomaaliyeed is daldalo, waxa ayna ka turjumeysaa shaqo la’aanta ka taagan Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com