Arrin walaac iyo amakaag galisay Soomaalida..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska magaalladda Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika ayaa shaaciyey in Ganacsade Somali lagu dilay Degaanka Khayelitsha.

Afhayeen u hadlay Boliska dalkaasi oo lagu magacaabo Captain FC Van Wyk ayaa sheegay inay kooxo hubeysan dileen Ganacsadahaasi oo 26 jir ahaa.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Marxuumkaasi ay saddex dabley ah u soo galeen Dukaankiisa, kana dalbadeen inuu ku soo wareejiyo Lacagta Kaashka ee uu hayey.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday inta ay Burcadda boobka wadeen, waxaana hal xabbad looga dhuftay caloosha.

Dableyda weerarka geystay ayaa la sheegay inay la baxsadeen lacag aan cadadeeda la ogeyn, Kartoomo Sigaar ah iyo Kaararka Ku-hadalka Telefoonadda ee Airtime .

Ma jirto cid ay Boliska Koonfurta Afrika u soo qabteen dilkaasi oo Maqribnimaddii xalay ka dhacay Deegaanka Khayelitsha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com