Arrin yaab leh: Nin Bisad darteeda loogu xakumay dhowr iyo toban sano oo xabsi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa si xooli ah u baahinaaya xukun xabsi ah oo lagu riday nin dilay Bisad/Mukulaal kadib markii uu kala kulmay dhibaato.

Xukunka ninkan ayaa waxaa riday Maxkamad ku taal magaalada San Jose ee Gobolka California Mareeykanka, waxaana la sheegay in xukunka dhacay uu yahay 16 sano oo xabsi ah.

Ninka xukunka lagu riday oo lagu magacaabo Robert Farmer oo da’diisana lagu sheegay 26 jir, ayaa la sheegay in si ula kac ah uu u dilay Bisada.

Robert Farmer ayaa dilka geystay sanadii 2015, waxaana gacanta lagu dhigay xili uu ku dhex hurdoonayay Gaari uu lahaa.

Booliska ayaa sidoo kale Gaariga Mr Robert Farmer ka helay hilbo ka go’ay bisada oo saaran qeybta danbe ee Gaariga.

Dhinaca kale, Ehelka lahaa Bisada ayaa aad usoo dhaweeyay xukunka ku dhacay Robert Farmer oo ah dilaaga Bisada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com