Arrin yaab leh oo maanta ka dhacday doorashadii golaha shacabka ee Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa waxa kamid ahaa kursiga tirsigiisu yahay HOP#017, kaasi oo ay ku soo baxday haweeney lagu magacaabo Qaladla Cali Cawaale.

Doorashada kursigaan ayaa waxay dad badan ku noqotay la-yaab, maadama musharaxii kale ee la tartamayay oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug uu si lama filaan ah uga baxay tartanka.

Wasiirka oo lagu magacaabo Axmed Cismaan Aadan (Qooje) ayaa shalay qaatay shahaadada Musharaxnimo, ayada oo maanta laga waayay goobtii doorashadu ka dhacday.

Qooje ayaa sida la rumeysan yahay ahaa malxiis oo waxaa kursiga loo xiray haweeneyda kusoo baxday, sidaas darteedna Wasiirka u cuntami weyday inuu xaadiro goobta doorashada.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in Axmed Qooje uu warqad uga tanaasulayo kursigaas u gudbiyay Guddoomiyaha guddiga doorashada Galmuudg, ka hor inta aysan bilaaban doorashada.

Qaladla Cali Cawaale ayaa maanta ku guuleysatay kursigaas oo tirsigiisu yahay HOP#017, kadib markii la waayay musharaxii la tartamayay, waxayna kusoo baxday codad gaaraya 79.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ee ka socota dalka ayaa muddooyinkii dambe laga diiwaan-geliyay dhacdooyin yaab leh, taasi oo uu qeyb ka noqoneysa diiwaankeeda Wasiir dowlad goboleed oo malxiis noqday, una gooyay goobtii doorashada.