Arrinta horseeday heshiiska Farmaajo iyo R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay, sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’adaha cadaaladda, hase yeeshee waxaa hay’adda NISA baaqi kusii ah qaar ka mid ah dadkii kiiska lagu tuhmayey, taasi oo shaki gelineysa inay caddaalad heli karaan qoyskeeda.

Haddaba, Maxaa soo da-dajiyey heshiiska Rooble iyo Farmajo?

Maxamed Cabdi Cumar oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Muqdisho, islamarkaana falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskaas uu ku yimid cadaadis badan oo laba dhinac ka socday, mid waqtigu keenay iyo cadaadis kale oo bannaanka ka yimid.

“Sababta keentay inay heshiiyaan waxaa keenay cadaadis badan oo laba dhinac ka socday, mid waqtigu keenay iyo cadaadis kale oo bannaanka ka imaanaya sida Maraykanka, waddamo kale, iyo ururro waaweyn oo cadaadis ku saaray in khilaafka la soo afjar,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar.

Waxaa muuqata in labada dhinac ay cadaadis la kulmeen ka dib markii khilaafkoodu uu dibadda usoo baxay, siina daba dheeraaday.

Beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay labada dhinac in ay xalliyaan khilaafkooda si arrintaasi aysan u xagal daacin amniga dalka iyo xasilloonida.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay inay qeyb ka tahay culeysyada horseeday heshiiska labada nin arrimaha doorashooyinka iyo dardar-gelintooda.

Khilaafka Rooble iyo Farmaajo ayaa intii uu taagna waxa uu saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta labada xafiis, warbaahinta dowladda iyo goobo kale oo muhiim ah.