Dal ka mid ah YURUB oo ogolaaday in baasaboorka SOOMAALIYA lagu tago

Belgrade (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Serbia ay ka mid noqotay waddamada Qaaradda Yurub ee lagu tagi karo baasaboorka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hey’adda ayaa lagu sheegay in arrintaan ay ku timid dadaal ay bixiyeen safiirka Soomaaliya ee Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Belgrade Serbia si rasmi ah u gudbisay muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka guddoomay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa tallaabadaan horumarka ah uga mahadcelisay Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa horay u aqbalay in lagu tago qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana la filayaa inay dhawaan aqbalaan dalal kale.