Xog: Arrinta ka dambeysa muuqaalka Abu Cubeyda ee ay baahisay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa dhawaan kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay Jihaadka ka socda Bariga Afrika, oo ka qabsoomay gobolka Jubbada Dhexe

Abu Cubeyda ayaa muuqaalkan cusub kaga soo dhex muuqday wareysi kooban oo uu kaga warbixiyay shirkaas ay kooxda qabatay, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab.

Inkasta oo kooxda ay qarisay wejigiisa oo muuqaalkiisa ku furtay humaag, haddana waxaa la dheehan kara inuu yahay mid dheer, sida muuqata, garkiisana timo cirro leh.

Muuqaalkas ayaa waxa uu Axmed Cumar Abu Cubeyda uga hadlay arrimo dhowr ah, oo ugu horeyso howl-gallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee isgarabsanaya. Halkan guji – oo ka daawo.

Haddaba, Maxay tahay arrinta u weyn ee ka dambeysa in Abu Cubeyd kasoo muuqdo muuqaalkaas?

Tan iyo markii ay warbaahinta kooxda sii deysay muuqaalkaas cusub ee uu kasoo muuqday Amiirka Al-Shabaab ayaa waxay dad badan isweydiinayaan waxa hadda loogu soo beegay muuqaalkan.

Ibraahim Aadan oo aqoon dheer u leh Abu Cubeyda iyo kooxda Al-Shabaab, haatana la shaqeeyo dowladda ayaa sheegay in muuqaalka Amiirka Al-Shabaab xilligaan loogu soo aadiyay si meesho looga saaro warar laga faafiyay muddooyinkii dambe oo la xiriira xaaladiisa caafimaad.

“Waxaa is dhihi karaa, maadaama muddooyinkii dambe la isla dhex mari jiray in uu jirran yahay oo xanuun daran hayo oo sariir jiif yahay, si marka ay taas u beeniyaan oo ay u muujiyaan inuu caafimaad qabo oo hawlihiisii wato ayaan is leeyahay waa sababta ugu weyn ee muuqaalka loo soo duubay,” ayuu yiri Ibraahim Aadan.

Ibraahim oo la hadlay BBC-da ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay si fiican u yaqaanaan adeegsiga warbaahinta, sidaas darteed ay shirka kooxda iyo ka qeyb-galka Abuu Cubeyd u arkeen fursad ay arrintaas ku beeniyanan.

Amiirka Al-Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah nin aan wax badan laga aqoon, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo, ayaa sidoo kale la hayn muuqaallo rasmi ah oo si dhameystiran loogu aqoonsan karo.

Sidoo kale, Ninkan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu kamid yahay xubnaha ugu da’da weyn madaxda kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Muuqaalka cusub ee Amiirka Al-Shabaab iyo shirweynaha kooxda oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa waxa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay kooxda wajaheyso guluf xooggan oo ka dhan ah, kaasi oo looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.