Dowladda oo shaacisay magaca horjoogaha lagu dhaawacay duqeyntii JILIB

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay magaca horjooge sare oo lagu dhaawacay duqeyntii Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa waxa lagu shaaciyay in horjoogaha lagu dhaawacay duqeynta lagu magacaabo Cusmaan Maxamed Cabdi.

Ninkan ayaa waxa uu kooxda Al-Shabaab u qaabisan yahay arrimaha dibadda, sida lagu shaaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda.

Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu isku qarinayay horjoogahan, kaasi oo ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

“Horjoogahaan waa denbiile mas’uul ka ah in uu dalka soo galiyo Khawaarijta ajaanibta ah, sidaas si la mid ah wuxuu fududeeyaa kala gudbinta fikradaha Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaankan.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha kooxda Al-Shabaab ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Beegsiga horjoogeyaasha Khawaarijtu waa fariin ku socota kooxaha Khawaarijta ah taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaankan.

Duqeyntan oo 20-kii bishaan uu Mareykanka ka fuliyay Jilib, ayaa aheyd mid iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay shir qarsoodi ah oo looga hadlayay waxay ugu yeerto Jihaadka ka socda Bariga Afrika, kaasi oo lagu qabtay gobolka Jubbada Dhexe.

Shirkaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 100 xubnood oo isugu jira madaxda, culimada iyo odayaasha kooxda Al-Shabaab, ayaa waxay warbaahinta kooxda ay shaacisay inuu ka qeyb-galay Amiirka Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda.

Sidoo kale, waxay kusoo aadeysa xilli Mareykanka uu ku sugan yahay agaasimaha NISA Mahad Salaad, uuna halkaasi wada-hadalo kula yeeshay madaxda Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka iyo hay’adaha Sirdoonka CIA-da iyo FBI-da.