FARMAAJO oo taageeray qorshaha DENI ee doorashada

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war cusub kasoo saaray doorashada Puntland, isaga oo taageero u muujiyay isku dayga uu Madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxa uu ku bogaadiyay maamulka Deni hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka, oo lagu wado inay deegaanada maamulkaasi ka qabsoomto maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 25-ka May.

“Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda,” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynihii hore.

Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in hirgelinta doorashada qof iyo cod ee heer deegaan iyo heer federaalba ay ka mid tahay himilooyinka uu dadaalka ku bixinayey, taasi oo uu ku sheegay inay tahay “dhabbaha kaliya ee xoojin kara isla xisaabtanka iyo maamul wanaagga dalka.”

“Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Allaah uga baryey guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan.

Farmaajo ayaa waxaa la xasuusta in muddo kororsi fashilmay uu ku sameystay qorshaha doorasho qof iyo cod ee heer federaal ah, taasi wax tallaabo oo muuqata uusan u qaadin intii uu joogay xilka u sareeyay dalka, waxaana hadda waddo tii lamid ah lagu eedeynayaan Saciid Deni.

Muranka doorashooyinka maamulka Puntland ayaa dhawaan isku rogay gacan ka hadal dhaliyay dhimasho iyo dhaawaca, kaasi oo ka dhacay caasimadda maamulkaasi ee Garoowe.

Si kastaba, hadalka Farmaajo ayaa imanaya, xilli mucaaradka Puntland lagu qanciyay in doorashada golaha deegaanka ku dhacdo si nabdoon, kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.