Daawo: Wasiir Al-Cadaala oo soo jeediyay in xal loo helo saddex arrimood oo taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo u warramay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ka taagan dalka, si xal waara loogu helo.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in bulshadeenna ay dhibaato ku qabaan wararka been abuurka ah, marin habaabinta iyo sawirka khaldan ee laga gudbinayo dalkeenna.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa soo heediyay in xal loo helo saddexdan arrimood oo uu sheegay inay muhiim u yihiin xaqiiqada jirta iyo horumarka.

“Waa in xal loo helaa been abuurka, marin habaabinta iyo sawirka khaldan ee laga gudbinayo dalkeenna,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in farriimaha khaldan iyo kala hadalka ay dhibaato weyn muddo fog kusoo hayeen dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Kala hadalka iyo mideys la’aanta farriimuhu inay ahaayeen mushkilad weyn oo waqti badan soo taagneyd,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in ka wasaarad ahaan ay sameyn doonaan wacyi-gelin ku aadan arrintan, si loo yareeyo been abuurka iyo marin habaabinta shacabka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay kor u qaadeyso fahamka dadka Soomaaliyeed, si aysan saameyn ugu yeelan xogaha khaldan ee la baahiyo.

“Wasaarad ahaan waxaan rabnaa in qorshahaan aan ku dhinac billowno wacyi-gelin iyo abaabul ku saabsan sida kor loogu soo qaadi lahaa fahamka dadka Soomaaliyeed ee la xiriira saameynta xog-bixintu leedahay, gaar ahaan xogaha qaldan, been abuurka iyo marin habaabinta” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Somalia.\