Xog: Somaliland oo qorsheynaysa duulaankii ugu weynaa, kuna beegaysa…

Laascaanood (Caasimada Online) – Iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda dagaal u dhexeeyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa waxaa haatan ay xukuumaddda Hargeysa wada qorshe ay ku qaadeyso duulaankii ugu weynaa ee ku aadan gudaha Laascaanood.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, duulankan ayaa Somaliland waxa ay qorsheyneysaa inay kusoo aadiso maalinta doorashada Puntand oo ku beegan 25-ka bishan May, taas oo ah qof iyo cod, isla-markaana lagu dooranayo golahayaasha deegaanada ee maamulkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in haatan ciidamada Somaliland ay dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan aagga xerada Goojacadda, islamarkaana ujeedkooda uu yahay inay u jiheystaan dhanka magaalada Laascaanood oo ay joogaan ciidanka SSC.

Sidoo kale ciidanka deegaanka ayaa dhankooda sii xoojiyay difaaca, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay uga hortagaan weerarka ay qorsheyneyso inay soo qaado Somaliland.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana mar kasta la filan karaa in dagaalka uu qarxo, maadaama labada dhinac uu mid kasta u diyaar garoobay midka kale.

Arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda haatan ka aloolsan duleedka Laascaanood oo maalmihii ugu dambeeyay ay ku dagaalamayeen ciidamada labada dhinac.

Horay madaxweyne Biixi ayaa wacad ugu maray in ay si wadi doonaan dagaalka, islamarkaana xukuumaddiisa aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Somaliland,

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hanjabay in dagaalka uusan joogsan dooneyn, inta ay ka hortagayaan cadow uu sheegay inuu ku soo duulay Somaliland.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ayaa qaatay dhowr bilood oo xiriir ah, waxaana sidoo kale fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu keeno labada dhinac.