Arrintii shalay dhacday oo muujisay isbeddelka mabda’ ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraastii banaaneyd ee Golaha Shacabka, kaasi oo uu tirsigiisu yahay HOP#147.

Kursigan ayaa waxaa horay u banneeyay Mahad Maxamed Salaad oo muddo ku fadhiyay, kadib markii loo magacaabay xilka agaasimaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Doorashada kursigan oo aan loo gelin tartan adag ayaa waxaa ku soo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, kadib markii ay tanaasushay Aamina Tahliil Warsame oo la tartami laheyd.

Guusha Ilyaas Sheekh Axmed ee kursigan ayaa ahayd natiijo la filayay, maadama kursiga markii horeba loo xiray Ilyaas, oo ay aad iskugu dhow yihiin Mahad Salaad oo isagu baneeyay kursigaan.

Soo bixista Ilyaas iyo in loo xiro kursigan ayaa ka dhigan in kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga si weyn loogu xasuustaa in mudadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia uu aad uga soo horjeeday in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweyne Xasan ayaa xilligaas aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, balse waxa lama filaan ku noqday dad badan in Xasan uu si dhakhso leh kala wareeg mabda’ ugu yimid.

Kursiga ay doorashadiisu ka dhacday Dhuusamareeb ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa halkaas ka cad in kursiga labaad ee la filayo inay qabtaan guddigan oo ah kii hore loogu diiday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin la dhaafin doono Fahad.

Kursigii hore loogu doortay Fahad ee HOP#086 ayaa waxa loo xirayaa musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaaba Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ka dhacday doorashadii Dhuusamareeb.

Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad, ayada oo dhanka kale kor u qaadeysa suurta-galnimada in Xasan iyo kooxdiisa ku dhaqaaqi karaan arrimo ay markii hore si adag uga soo horjeedeen ama u arkayeen inay yihiin ku tagri-fal awoodeed.