Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay afar ASKARI + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Khamiis ah tiirka geysay, kadibna xukun dil ah ku fulisay illaa 4 askari oo ka tirsanaa noocyada kala duwan ee ciidanka dowladda federalka Somalia.

Afarta askari ee la toogatay ayaa ka kala tirsanaa talisyada milatariga, Booliska iyo Nabad Sugidda, kuwaas oo loo heystay dilal ay horey u geysteen.

Afarta askari ayaa kala ahaa:- 1-Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, 2-Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, 3-Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Booliska ka tirsanaa, 4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.

Dhammaantood ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay horey u dileen askar kale oo ahaayeen saaxibo shaqo wadaag ah, sida ay shaacisay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Fagaaraha lagu toogatay askartaan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo sidoo kale askar kamid ah ciidanka amniga oo dilka fuliyay.

Sidoo kale waxaa toogashada lagu fuliyay askartan aad usoo dhaweeyay ehellada marxuumiintii ay horey u dileen oo muddo sugayey cadaaladda ay maanta heleen.

Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada ayaa markale digniin u diray askarta dowladda ee dilal ka geysta Muqdisho iyo deegaanada kale ee ka howlgalaan, ayada oo fartay inay ku ekedaan shaqadooda oo ah ilaalinta amniga iyo u adeegida dadkooda iyo dalkooda.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay askar dilal u geystay dad shacab ahaa, iyo kuwa kale oo dhexdooda is rasaaseeyay.

Waxaa sidoo kale jira rag kale oo weli sugayo fulinta xukunka dilka ah ee ku dhacay, waxaana kamid ah askartii ugu dambeysay ee dilalka ka geysatay degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Sh/ Dhexe.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay fulinta xukunadda dilka ah, waxaana horay loo toogtay rag ka kala tirsanaa Shabaab iyo Daacish.