Daawo: Al-Shabaab oo la shaaciyey inay gaajo ugu dhimanayaan HirShabeelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Axmed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha militeriga Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Al-Shabaab ayaa maanta qeybo ka mid ah Sh/Dhexe kula hadlay tobanaan ciidanka deegaanka ah.

Jeneraal Tareedisho ayaa ciidankii uu la hadlaayey wuxuu ugu lab qaboojiyey in Shabaab ay maanta dhiban yihiin oo ay hoyaan xog sheegeysa in kooxdu ay baahi u dhimaneyso.

Wuxuu sheegay inay dadka Soomaaliyeed go’doomi jireen oo baahi u dili jireen, laakiin maanta ayagii la go’doomiyey oo baahi loo dilay, sida uu sheegay Jeneraal Tareedisho.

Jananka ayaa aad ugu amaanay madaxda dowladda federaalka, sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, isagoo ku macneeyey fursad aan weligeed soo marin dadka Soomaaliyeed tan ay maanta heystaan.

Sidoo kale ciidanka deegaanada uu tegay ee Sh/Dhexe ka abaabulay ayuu ku amaanay sida ay ugu diyaarsanyihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana aysan ugu soo dhiira-karin kooxdu.

“Deegaanada aan soo maray ee Ceelbacad iyo Daarunimca waxaan ku soo arkay ciidan deegaanka ah oo aad u diyaarsan, waa dad isku tashaday, waxaana dowladda uga soo qaadeynaa xaqa ay leeyihiin,” ayuu yiri.

“Khawaarijtu muddo ayay dhibaateynayeen dadkeena, laakiin maanta iyaga ayaa dhiban oo baahi u dhimanaya, cabsi ayaa dishay, dowladda waxaan uga mahad celineynaa sida ay u cunaqabateysay, wax yar ayaa u dhiman kooxdaas waa la laayey,” ayuu yiri sarkaalkaan ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in amarka madaxweynaha iyo taliyaha xoogga dalka ay ku amreen inuu garab siiyo dadkiisa, isla markaana uu joogi doono deegaanadaas, si looga ciribtiro haraadiga Al-Shabaab.

Jeneraal Tareedisho ayaa sheegay in deegaanada uu tegay ee loo xil-saaray inuu wakiil uga ahaado madaxda ciidamada qaranka ay ku diyaarsan yihiin ugu yaraan 200 oo ciidan macawiisley ah, kuwaas oo aad u diyaarsan, isla markaana diyaarsaday hubkii ay kula dagaalami lahaayeen Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Jeneraal Tareedisho ayaa sheegay in ciidanka deegaanka aan laga ogolaa doonin inay hoosta gashadaan qof ka soo goostay Al-Shabaab oo loo hoggaansami doono go’aanka dowladda ee ah in dhaqan-celintii loo qorsheeyey la marsiiyo qofkii ka soo baxa Al-Shabaab.

Hoos ka daawo