Soomaalida Canada oo ka ‘argagaxsan’ qaabka loo dilay Nabaddoon Soomaali ah

Edmonton (Caasimada Online) – Meydka nin Soomaali ah oo dalka Canada lagu weysanaa muddo ka badan hal bil ayaa laga helay koofurta magaalada Edmonton – gobalka Alberta ee dalka Canada.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Jibriil ayaa ka mid ahaa waxgaradka u dhaqdhaqaaqa Soomaalida ku nool Canada, waxaana la waayey bilowgii bishii December ee sanadkii tegay, balse hadda ayaa la helay maydkiisa.

Ciidamada booliska ee magaalada Edmonton oo tan iyo markii ninkaan la waayay waday baadi-goob ayaa ehelada Marxuum Cali Xuseen u sheegay in ay heleen maydkiisa oo gaari ku dhex jira.

Lama garanayo nooca gaarigu yahay iyo waxa sababay geeridiisa toona, waxaana ciidamada boolisku wadaan baaritaan dhacdadaas ku saabsan.

Bilowgii bishii December ayaa ninkaan la waayay, kadib markii uu carruurtiisa geeyay iskuul aan ka fogayn gurigiisa, waxaana markaas kadib gurigiisa hortiisa laga helay gaarigiisii iyo telephone-kiisii.

Arrintaan ayaa noqotay mid ku cusub Soomaalida ku nool magaalada Edmonton iyo guud ahaan dalka Canada, waxayna ku abuurtay argagax iyo cabsi.

Ilaa hadda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton ayaa ka war-sugaya natiijada kasoo baxda baaritaanka Booliska, waxayna sheegeen inay la xiriireen booliska, balse wax faahfaahin ah aysan ka helin cidda ka dambaysay dilka Cali Xuseen.

Ehellada Marxuum Cali Xuseen ayaa sheegay in ninkaas uu ifka uga tegay seddax carruur ah iyo hooyadood, wuxuuna Canada ku noolaa in ka badan 20 sano.