Madaxweynaha KENYA oo shaaca ka qaaday arrin looga adkaan karo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwynaha dalka Kenya, William Ruto oo markiisii u horreysay shalay yimid Muqdisho, kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha ee dalkaas ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socdo waddanka.

William Ruto oo ka qayb-galay shir ay Arbacadii yeesheen dowladda federaalka iyo dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ee la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa ugu horreyn boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgaladdii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Al-Shabaab.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Kenya oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waddanka Kenya ayaa sidoo kale farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqday inay garab istaagaan dowladdooda, isla-markaana ay ka qayb-qaataan howlgallada dalka looga xoreynayo xoogaga hubeysan kooxda Shabaab.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay arrin ay tahay in la sameeyo, taas oo ku qeexay in looga adkaan karo kooxda Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka oo dhan.

Ruto ayaa tilmaamay inay haboon tahay in la bartilmaameedsado dadka dhaqaalaha ku taageero kooxdan, si loo cuuryaamiyo, isagoo xusayn in habkaas oo kaliya lagu jebin karo.

“Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada & faafinta xagjirnimada” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dowladda federaalka iyo waddamada dariska ay isku raaceen skaashi ka dhan ah Shabaab, ayaga oo ku heshiiyay in si waddajir loogu duulo kooxdaan, lana taageero ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Kenya oo ay ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ku duulaan xoogaga Al-Shabaab, ayna ka fuliyaan weeraro khasaare geysta.