Kaalintee ayey SOMALIA ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa marka safka hore ka gashay waddamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka, sida lagu sheegay warbixinta 2022 ee Hay’adda Tansparency.

Sanadkan waxaa ay Hay’adda sahan ku sameysay 180 dal oo Caalamka oo dhan ku yaalla, waxaana loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuq-maasuqa iyo kuwo ka guuleystay.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay hoggaamineyso liiska wadamada uu la degay musuqa, isla-markaana ay gashay kaalinta koowaad, sida ku xusan warbixinta.

Sidoo kale waxaa kaalinta labad iskula jira waddamada Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya, sida ay sheegtay Transparency International.

Sida ay muujineyso warbixinta Soomaaliya ayaa hoos uga sii dhacday halkii ay joogtay sanadkii 2021-kii, markaas oo ay gashay kaalinta labaad, waxaana ka horreyay waddanka Suudaanta Koonfureed, halka kaalinta labaadna ay ku jireen Soomaaliya iyo Syria, hase ahaateen  qiimeynta cusub ee la sameeyay 2022-kii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay hormuudka dalalka haatan ugu musuqa badan 180 dal ee ay quseyso warbixinta.

Warbixintan cusub waxyaabaha qiimeynta lagu saaray waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda oo aan lagula xisaabtami musuq maasuqa, taas oo kordhisay falalka xatooyada.

Sidoo kale waxay hay’adda intaasi kusii dartay in inta badan dalalkan ay ku guul dareysteen in ay wax ka qabtaan wax is-daba marinta iyo waxyaabaha keena musuqa.

Dhinaca kale waxaa isla warbixintaan lagu kala qeybiyay dalalka horumarka ka gaaray la dagaallanka musuq-maasuqa, kuwa musuq la’aanta ah.

Tansparency International ayaa sheegtay in Danmark uu noqday dalka ugu musuqa yar caalamka, waxaana ku xiga dalalka Finland iyo New Zealand oo ku jira kaalinta labaad, dalalkan ayaa si gaar ah loogu boggaadiyay, sida ay ula dagaalameen musuq-maasuqa.

Si kastaba, dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda Maaliyada ayaa mar weliba cel-celisa inay la dagaalanto musuq-maasuqa islamarkaana Soomaaliya aysan aheyn sidii hore.