Askari ka tirsan ciidanka DF oo dhacdo argagax leh ka gaystay Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo argagax leh oo sababtay dil iyo dhaawac oo maanta ka dhacday isgoyska Howlwadaag ee Muqdisho, kadib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda uu rasaaseeyay dad shacab ah.

Falkan ayaa waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo waday Mooto, xilli uu marayey agagaarka isgoyska Howlwadaag, waxaana toogtay askar Boolis ah oo ku sugan halkaasi.

Arrinta murugada leha ayaa ah in marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle uu xilliga la dilayay mootada ku waday hooyadiis iyo walaashiis oo lasoo wariyay inay goobta ku suuxeen, kadib dilka wiilkooda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadan ay sababtay dibad-bax ka dhashay dilka marxuumka, waxaana goobta isugu baxay shacab careysan iyo darawallo.

Sidoo kale isu soo baxa ayaa sababay in ciidamada ammaanka ay markale rasaas u adeegsadaan dibad-baxayaasha, waxaana goobta ku dhintay darawal kale oo ka shaqeynayay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka iyo qof kale, kadib markii ay haleeshay rasaastu.

Sidoo kale waxaa goobta deg deg ku gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska, si ay ugu baxaan xaaladda meesha ka taagan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taas oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Si kastaba, madaxda sare ee dowlada ayaa marar badan ka digay dilal ay geystaan askarta dowladda, waxaa markii ugu dambeysay go’aan ka soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Maxkamadda Ciidamada si tallaabo adag looga qaado dambiileyaasha.