NISA oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in markale ay dib usoo laba kacleysay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi kadib tallaabo ay qaaday Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka (NISA).

Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay NISA ayaa garoonka Muqdisho ku celisay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubbaland, kuwaas oo kusii jeeday Gedo.

Mid kamid ah xildhibaanada garoonka laga soo celiyay oo lagu magacaabo, Maxamed Daa’uud Cumar ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna sheegay in markii labaad loo diiday inay u duulaan gobolka Gedo kadib markii diyaaradaha lagu amray in aysan qaadi karin.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in is hortaagaas uu ku sameeyay taliyahaha NISA ee gobolka Gedo, kaas oo lagu magacabo Jamaal Xasan Tareey, wuxuuna intaasi ku daray inay xiriir la sameeyaan, kana dalbadeen inuu ka qaada xayiraadda, si ay u booqdaan deegaankooda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in taliye Jamaal uu u sheegay in amarka lagu celiyay xildhibaanada uu ka soo baxay taliska guud ee NISA, gaar ahaan Mahad Maxamed Salaad.

Illaa iyo hadda lama sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada ay qaaday NISA oo uga sii dareyso arrinta Gedo, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada iyo Jubbaland.

Sidoo kale dhowaan Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa todobaadyo kahor iyaguna tegay gobolka Gedo, kadib markii ay kasoo galeen dhanka xadka ee Beledxaawo waxayna halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan, taas oo ay si weyn uga hortimid dowlad goboleedka Jubbaland.

Xiisadda gobolka Gedo ayaa soo jiitameysa kahor doorashooyinkii soo dhammaaday ee dalka iyo kadib-ba, maadaama aan weli xal rasmi ah loo helin arrinta gobolkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo ay weli isku hayaan Jubbaland, dowladda dhexe iyo reer Gedo.