25.3 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Askar ka howlgaleysay suuqa Bakaaraha oo weerar lagu qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa Bakaaraha ee ah kan ugu weyn Soomaaliya ayaa galabta askar ku sugneyd oo amaanka ilaalinayay ayaa lagu weeraray bam gacmeed lagu tuuray goobtii ay ku sugnaayeen.

Qaraxaasi bamka ayaa waxaa la sheegay in qasaare uu ka dhashay iyadoo hal qof oo shacab ah uu ku dhintay, halka labo kale ay ku dhaawacmeen.

Qofkii soo tuuray bam gacmeedka ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aysan waxba gaarin ciidamadii bamka lagu tuuray ee ujeedadu aheyd.

Weerorkaan ayaa wuxuu ka dhacay qeybta khudaarta lagu iibiyo, halkaasi oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan suuqa Bakaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News