Askar ka tirsanaa ciidamada AMISOM oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay qarax nooca miinada ah ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay inta u dhexeysa deegaanada Danow iyo Golweyn ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, xilli ay ku socdaalayeen halkaasi.

Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa goobta laga maqlay rasaas ay rideen ciidamada Midowga Afrika AMISOM, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, waxaana ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan labo askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska AMISOM iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo-gal ah ku qaada ciidamada huwanta, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta & bartamaha dalka.