Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Genaral Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ay howl-gallo qorsheysan oo ay ciidamada Danab ka sameeyen gobolka Shabeelaha Hoose.
Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladaasi oo lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab, si gaar ah looga fuliyey wadada dheer ee isku xirta Qoryooley & Janaale.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiro saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in howl-galladu ay haatan sii socdaan, islamarkaana jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha ee koonfurta Soomaaliya.