Puntland oo fashilsay qaraxyo lagu diyaarinayey Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha laamaha ammaanka ee Puntland ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey howl-gallo ballaaran oo laga sameeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta oo gudaha u galay goobo bartilmaameed u ahaa.

Qoraal kasoo baxay taliska PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta kusoo ku dhigeen qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab ku diyaarineysay halkaasi.

“Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Bosaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso,”

War saxaafadeedka ayaa intaasi kusii daray “Waxay ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland,”

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii socon doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa xoojiyey baaritaanada lagu xoojinayo ammaanka magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.