Musharaxiinta Mucaaradka oo balan-qaad u sameeyey dibad-baxayaasha Jimcaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowg Mushaxiinta oo caawa mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa digniin u diray saraakiisha iyo ciidamada dowladda, iyagoo uga digay inay ku dhex milmaan howlaha siyaasadeed ee dalka, waxayna ka dalbadeen in aysan wax is hor-taag ah ku sameyn banaanbaxa ay qabanayaan Jimcaha.

Afhayeenka golaha Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta kula hadlay Hotel Jaziira ayaa yiri, “Saraakiisha ciidanka waxaan ka dalbanaa inay ciidanka ka ilaaliyaan oo dhexdhaxaad ka noqdo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ka socda, hadii ciidanka siyaasadda la geliyo, culeyska ka yimaada saraakiisha ayaa qaadeysa.”

Sidoo kale afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka oo ay magacaawdeen xubnaha golaha midowga musharaxiinta ayaa sheegay in wax kasta ay u diyaariyeen dadka banaanbaxa ka qeyb gelaya maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

“Xarumaha midowga musharaxiinta waxaa ka socda abaabul aad u balaaran, waxaana ku tala galnay in tiro xoog leh oo dad ah ay isusoo baxaan, anagoo og khatarta jirta ee cudurka Corona, waxaan mudaharaadayaasha u diyaarinay, fara-dhaq, waji xirad ku filan oo qof kasta aan sii doono, gaadiid lagu qaado dadka hadii ay dhacaan wax aan loogu tala gelin iyo dhakhaatiir,” ayuu yiri afhayeenku.

Isagoo sii hadlaayey ayuu sheegay in qorshuhu yahay in salaadda Jimcaha lagu dukan doono fagaaraha Daljirka Daahsoon, isla markaana ay dadka u diyaariyeen cabitaano, ciidan ilaaliya ammaankooda iyo wax kasta oo adeeg ah.

“Xaafad kasta oo ka tirsan Muqdisho waxaa lagu diyaari doonaa gaadiid soo qaadi doona dadka, hadda abaabulku meel fiican ayuu noo marayaa, marka waxaan rajeyneynaa in maalinta Jimcaha ah ay noqon doonto maalin taariikhi ah,” ayuu yiri afhayeenka guddiga badbaadada doorashooyinka golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya.

Hoos ka daawo