Heshiiska BAYDHABA ‘oo aan aheyn sida la moodo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii magaalada Baydhaba lagu soo gaba-gabeeyey shirkii guddiyada farsamo ee kala metelayey dowladda federaalka, dowlad goboledyda iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa soo baxaya shaki badan oo laga qabo her-gelinta qodobadii ay uga heshiiyeen is mari-waagii ka taagnaa arrimaha doorashooyinka dalka.

Xubnaha guddiga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay diiradda saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobada kala ah:

1 –Cabadashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga.

2 –Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.

3 –Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.

4 –Adkaynta Qoondada Haweenka

5 –Jadwalka qabsoomidda doorashada.

Qodobadan ayaa loo gudbinayaa madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed si ay u ogolaadaan, waxaana war-murtiyeedkii guddiga lagu iclaamiyey shir aan la shaacin goobta uu ka dhacayo, kaas oo furmaya 18-ka bishan oo ku beegan Khamiista berri ah.

Sida muuqata heshiiskaas ayaa wajahaya caqabadii koowaad oo ah in madaxdu aysan u diyaarsaneyn inay shirkaas isugu yimaadaan berri oo Khamiis ah, waxayna ku kala suganyihiin magaalooyinka ay maamulaan ee caasimadda iyo gobollada dalka.

Haddaba heshiiska ay guddigan farasamadu gaareen maxay uga dhigantahay siyaasaddii cakirneyd ee Soomaaliya? Mase ka fulayaa madaxdii markii hore ku guul dareysatay inay heshiiyaan oo ay xubnaha gudiggan kala metelayaan?

Khaalid Maxamuud Maclalin waa macalin wax ka dhiga mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho, waxuuna ka faaloodaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isagoo la hadlaayey VOA ayaa la weydiiyey su’aashaas iyo kuwo kale oo ku geedaaman khilaafka ka taagan doorashada iyo heshiiskan cusub ee Baydhaba lagu gaaray.

Khaalid Maxamuud waxa uu qabaa in guddigan loo soo xulay si looga baaqsado waji gabax kale oo sababa in madaxdu heshii waayaan oo mar kale kala tagaan, sidii ka dhacday Dhuusamareeb, taasna aysan ka dhigneyn in sidooda ay u hir-gelayaan qodobada ay soo saareen guddigu.

“Muhiimadu waa fulinta qodobadaas, sababtoo ah heshiiskii 17-kii September fulintiisa ayey caqabadu ka timid, tan kale heshiiskan cusub faahfaahin dheeri ah lagama bixin si aan u ogaano cidda tanaasushay… markii aad fiiriso qodobadii ay soo saareen waxaa ka muuqata inay wax isla fahmeen oo madaxda ka sareysa ay u gudbinayaan,” ayuu yiri Khaalid Maxamuud oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

In guddiyadaas la isu diro oo loo xil saaro inay ka soo tala bixiyaan qodobadii la isku hayey ayuu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan, “Intii madaxdu warqadda ku dul gorgortami lahaayeen waa tallaabo wanaagsan in nin kasta guddi soo dirsado oo daaha gadaashiisa uu ka gorgortamo,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga Khaalid