Askar ku baxday fashilinta hub culus oo Soomaaliya loo soo waday oo la la’yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askar Ameerikaan ah oo lagu la’yahay Gacanka Cadmeed toddobaadkan, kuwaasi oo ku baxay doon sidday hub sharci darro ah oo loo waday gudaha Soomaaliya.

Askartan oo laba ah ayaa waxay ka tirsan yihiin ciidamada badda Mareykanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

Askartan oo qeyb ka ahaa maraakiib iyo diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ayaa doonayay in ay qabtaan doon la sheegay in ay leedahay Iiraan oo wadday hub sharci darro ah.

“Ciidamada Badda Mareykanka ayaa rumeysan in doonidaasi tahay mid taariikh u leh in hubka sharci darrada ah laga soo daabulo dalka Iran, lana geeyo Soomaaliya,” sida ay tabisay warbaahinta Mareykanka.

Sidoo kale waxaa warar kala duwan kasoo baxayaan nooca hub ee saarnaa doontaasi, ayada oo la sheegayo inay qeyb ka yihiin gantaaladda nooca ridada dhexe ah, kuwaasi oo ay farsameeyaan warshadaha Iiraan.

Askartan ayaa weli la’yahay, iyada oo howl-gallada goobidda ay weli socdaan, waxayna kusoo aadeysa xilli uu Mareykanka Badda Cas ka wado howl-gallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo halista ku ah maraakiibta Mareykanka.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Iiraan oo la xiriira dhacdadan.

Si kastaba, Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar, kuwaasi oo diiradda saara khatarta kooxda Al-Shabaab, oo xilligaan wajahaya guluf culus oo ka dhanka ah, ayna iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.