Askari hore oo Al-Shabaab ku biiray iyo rag qaraxyo ka geystay Xamar oo la toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida  ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la xukumay sananadihii lasoo dhaafay.

Saddexda nin ee tiirka la geeyey ayaa kala ah Nuur Ibraahim Mahad Alle (Nuur Weyne), Xasan Cali Macalin Barre (Boy) iyo Isaaq Keerow Aadan (Masaar), kuwaas oo lagu eedeeyey qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho iyo Maxaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xasan Cali Barre (Boy) ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu gawaarida qaraxyada lagu soo xiro uu dhigo meelaha Al-Shabaab u qorsheysay in ay qarxiso, waxaa si gaar ah loogu heystay qarax ka dhacay Suuqa Kaawa-Godey Degmada Wadajir 26-11-2018kii, ugu dambeyn ninkan ayaa waxaa saaka toogasho ku fulisay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ninka labaad ee toogasho lagu fuliyey waa  Isaaq Keerow Aadan oo Al-Shabaab 2014kii uga biiray degmada Diinsoor waxaa isna lagu helay inuu ka dambeeyey tuurista 9 bambo oo ka dhacay Muqdisho iyo dilal toogasho oo gaadmo ah, siday maxkamaddu sheegtay, waxaana isna saaka uu ka mid ah raggii ay toogteen ciidamada ammaanka ee dowladda.

Sidoo kale Nuur Ibraahim Mahad Alle (Nuur Weyne) oo horey uga mid ahaa ciidamada gaarka ah ee Booliska Soomaaliya, balse looga saaray isticmaalka daroogada ayaa lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab mar dambe uga biiray gobolka Hiiraan, islamarkaana uu qarax ku dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga degmada Maxaas, Rashiid Cismaan Cabdi, waxaana dil toogasho ah ninkaan lagu xukumay sanadkii 2019-kii, kaas oi lagu fuliyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, kuwaas oo uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online illaa 23 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana ah dil sugayaal ayaa maalmaha soo socdo la geyn doono tiirka, si loo qisaaso.

Qorshaha dowladda federaalka ah ayaa ah in labada bil ee ka harsan sanadkan 2022-ka in lagu dhameeyo toogashada dadka xukuman, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka.