Sheekooyinka ugu argagax badan ee laga soo weriyey qaraxyadii Zoobe ee Sabtidii

Muqdisho (Caasimada Online) – Wali waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii mataanaha ahaa ee gilgilay Isgooyska Zoobe Sabtidii iyo agagaarka wasaaradda waxbrashada ee magaalada Muqdisho, iyadoo marba marka ka dambeeysa ay soo baxayaan sheekooyinka argagaxa leh ee qaraxydaasi ka dhashay.

Ilmo saqiir ah oo laga soo dulqaaday meydka hooyadeed

Markii qaraxyadu dhaceen durba muuqaallada baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday waxaa ka mid ahaa gabadh yar oo qiyaastii laba sano jir ah hadiiba aysan ka yaren taasoo askari soo gaaray goobta musiibadu ka dhacday uu dhabta ku haya.

Askariga oo ah nin dhalinyaro ah oo kor u haya gabadha yar ayaa oranaya:- “gabdhaan yar hooyadeed way dhimatay meydkeed ayaan ka soo dulqaaday”. Wuxuu intaa sii raacinayaa,” gabadhaan cid Allaa cidii taqaanna si degdeg ah ha noola soo xiriirto”

Muuqaalka ayaa laga maqlayaa codka qof kale oo leh “Geesay iyo ciidanka Haramacad ha kala soo xiriiraan”. Sida aan maleeynayo geesayga uu qofkaasi sheegayo waa askariga sinta ku haya gabdha yar oo wajigeeda buska iyo boorka uu ka muuqdo.

Dad badan oo muqaalka gabadhaas yar kaga faceliyay baraha bulshada ayaa bixiyay aragtiyo isku mid ah oo muujinaya xanuunka ay leedahay ilmahaasi saqiirka ah oo hooyadeed ay dhabta ku haysay kohor inta aaney, isla markaana aan ogeyn sababta dhibkaan ugu dhacayo.

Qof ka mid ah dadkaasi baraha bulshada kaga fikir dhiibtay sheekada gabadha yar ayaa sidaan qoray:- “Inanta yar mataqaan hooyadeed meel ay jirto iyo cidda dishay waa saqiir, abayo Allah kuu maceeyo Muslimiinta, hooyo macaanna Allaha unaxariisto yaa Rabi”.

Wariye Maxamed Ciise Koona

Wuxuu ahaa wariye ka howlgala magaalada Muqdisho, wuxuu ka soo shaqeyay qaar ka mid ah Idaacadaha iyo telefishinnada fadhigoodu yahay Muqdisho. Markii ugu dambeysay wuxuu ka shaqeynayay telefishinka M24, waxaana la sheegay in culuumta saxaafadda ku soo bartay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan. Sida wararku sheegayaan Maxamed Ciise Koona wuxuu ku dhintay qaraxyadii mataanaha ahaa midkii dambe.

Maxamed oo ka mid ahaa dadkii maanta lagu aasay Muqdisho, ayaa sheekadiisu waxay leedahay xanuun gaar ah oo horey waxaa Muqdisho loogu dilay labadiisii waalid halka walaalkii ka weynaa isana sanadkii 2021-kii lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Qaraxii koowaad markii uu dhacay ayaa la sheegay in isaga iyo dhalinyaro kale oo saaxiibbadii ah ay soo aaden halkii uu qaraxu ka dhacay si ay u eegaan waxa dhacay.Cismaan Maxamuud Cismaan oo saaxiib dhaw iyo shaqo wadaag  ay ahaayen marxuum weriye Maxamed Ciise Koonaa, ayaa sheegay inuu ifka kaga tagey wiil iyo xaas.

“Wuxuu ahaa qof igu qaali ah oo saaxiibkey ah oo garabkeyga ah.” Ayuu yiri Cismaan. Wuxuu sheegay in uu ahaa Maxamed Ciise nin tebinta wararka siyaasadda ka jecel kuwa taabanaya nolasha dadka danyarta ah ee u baahan in codkooda la maqlo.

Hooyo iyo gabadheeda hal mar wada geeriyooday

Hooyo Madiina Cabdulqaadir Xaaji  (Madiina Caddaan) waxay ka mid noqotay dadkii ku dhintay qarixii koowaad ee ka dhacay dhabarka dambe ee wasaaradda warbarashada, waxay ka mid ahayd dadka halkaa muddada dheer ku iibinayay qaadka.

Gabadheeda oo meel xoogaa u jirta ku haysatay ganacsi, ayaa markii ay maqashay jugta qaraxa koowaad waxay is tiri bal hooyo soo eeg maadama dhankii ay ka jirtay uu ka yeeray dhawaq naxdin leh.

Iqro Cabdi abuukar ayaa markii ay soo gaartay goobta waxay la kulantay qarixii labaad oo ay ka mid noqotay dadkii ku geeritooday.

Azar Xaaji Cabdi oo ka mid ah qoyska ay ka baxeen hooyo Madiina iyo gabadheeda Iqro ayaa BBC-da u sheegay in ay qoyska ay gashay laba geeri oo uur ku taaalo ku noqotay.

Wuxuu sheegay in aysan marnaba fileynin in Iqro oo ka fogeyd halka qaraxyadu ka dhaceen ay ku dhimatay dhacdadaan, iyadoo markii dambe meydkeeda laga helay cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

“Markii meydadka la geeyay cusbitaalka ayaan ka raadinay qofkii ugu horreeyay ee aan aqoonsado Iqro ayay ahayd,” ayuu yiri Azar Xaaji. Madiina Cabduqaadir Xaaj waxay jaadka ku iibineysay halka ay ku geeriyootay muddo dhowr iyo toban sano ah.

Waxyaabaha argagax leh waxaa ka mid ah in qarixii 2017-kii ka dhacay Isgooska Zoobe oo dad badan ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen ay  Madiina ku ganacsaneysay isla goobta oo hilibkii dadka qaraxu goo-gooyay xilligaas dusheeda ku daatay.

Waxay ka geeriyootay toddobo carruur ah, iyadoo ganacsigeeda ku maareyn jirtay nolasha qoyskeeda.

Isha: BBC Somali