Askari ka tirsan ciidanka DF oo dil ka geystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan isgoyska EX-Control Afgooye ayaa sheegaya in goor dhow lagu dilay wade mooto Bajaajle ahaa oo marayey halkaasi.

Dilka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa agagaarka xerunta Asluubta oo ku dhow isgoyskaasi.

Goobjooge ayaa Caasimada Online u sheegay in marxuumka uu ku dhintay isla goobta, kadib markii ay rasaasta uu furay askariga ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda oo ku mashquulsanaa furista wadada oo uu xilligaasi ka jiray jaam xoogan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe ay meydka goobta ka qaadeen dad shacab ah, mana cadda in la qabtay askarigii dilka geystay iyo in kale.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal u geysta dhalinyarada kaxeysa mootooyinka Bajaaj-ta ee ka shaqeysa M/ Muqdisho, waxaana marar badan darawalladaasi ay banaanbaxyo cabasho ah ka dhigeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir