Xaaf oo jawaab kulul siiyey safiirka MAREYKANKA

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo weli sheegta madaxweynaha Galmudug ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan warkii dhowaan soo yeeray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xaaf oo uu haatan fadhigiisu yahay Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto uu faragelin qaawan ku hayo arrimaha Galmudug, islamarkaana uu taageeray maamul lagu dhisay Afgambi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay qaadato doorkeeda ku aadan Galmudug, iyada oo ka shaqeyneysa danaha guud ee maamulkaasi.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Mareykankanka inay wax ka bedasho siyaasadeeda Soomaaliya, gaar ahaan tan dowlad goboleedka Galmudug, islamarkaana ay ka laabato go’aankii hore ee ay ku dhawaaqday.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Mareykanka uu noqday dalkii ugu horreeyey ee taageeray doorashadii Qoor-Qoor ee lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Halkaan hoose ka aqriso: