Sawirro: Janan oo abaabul ka wada Beled-Xaawo

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland, islamarkaana uu hoggaaminayo wasiirka amniga maamulkaasi, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warramayaa in maanta dhaq dhaqaaq milatari ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Janan oo xiran tuutaha milatariga ayaa saaka lagu arkay duleedka degmada Beled-Xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay doonayaan inay dib u qabsadaan degmooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow oo dhowaan ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo diyaarado looga qaaday magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dhaq dhaqaaqyadaan qeyb ka ah madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo isna ku sugan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inay isku dhacaan labada ciidan oo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada halkaasi.

Tan iyo markii uu wasiir Cabdirashiid Janan ka baxsaday halkii uu ugu xirnaa dowladda ee magaalada Muqdisho wuxuu Gedo ka bilaabay abaabul uu uga soo horjeedo dhaq dhaqaaqyada cusub oo ay ciidamada milatariga Soomaaliya ka wadaan gobolkaasi.