Qaban-qaabada kulanka taariikhiga ee Mohamed Bin Salmaan iyo Netanyahu

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa isku dayeysa inay kulan ka dhacaya magaalada Qaahira horaanta bisha March isugu keento ra’iisul wasaraaha Israel Benjamin Netanyahu iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, waxaa sidaas wariyey wargeyska Israel Hayom.

Diblomaasiyiin Carab ah ayaa u sheegay wargeyska Israel Hayom in muddo sanad ah ay wada-hadallo u socdeen saraakiil Mareykan, Israel iyo Sacuudiyaan ah, kuwaasi oo uu dhex-dhexaadinayey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo.

“Maalmihii dhowaa waxaa aad u xoogeystay wada-hadallada Washington, Israel, Masar iyo Saudi Arabia, si loo agaasimo kulanka Qaahira oo dhacaya toddobaadyada soo socda, xitaa ka hor doorashada Israel, oo dhaceysa 3-da March,” waxaa sidaas wargeyska u sheegay diblomaasi sare oo Carab ah.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegay, in marka laga reebo Masar oo marti-gelineysa kulanka, ay sidoo kale ka qeyb-geli doonaan dalalka Imaaraadka Carabta, Sudan, Bahrain, iyo Oman.

Ilo-wareedyo Carab ah ayaa u sheegay Israel Hayom, in sidoo kale kulanka lagu casuumay boqorka Jordan Abdullah, balse uu doonayo in sidoo kale la casuumo hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas. Cabas ayaa muujiyey inaanu diyaar u ahayn inuu aqbalo caasuumaddaas.

Saudi Arabia iyo dalal dhowr ah oo ku yaalla Khaliijka ayaa sanadihii dhowaa billaabay inay xiriir hoose la yeeshaan Israel, taasi oo sare u qaaday walaaca laga qabo inay doonayaan xiriir rasmi ah oo ay la yeeshaan Israel, islamarkaana dhinaca isaga riixaan Falastiiniyiinta u dagaalamaya inay dal helaan.

Mohamed Bin Salman ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu cayaaro door la mid ah kii madaxweynihii hore ee Masar Anwar Sadat, oo uu noqdo hoggaamiyaha Carbeed ee ugu horreeya ee toos xiriir ula yeesha Israel.

“Mohamed Bin Salman waxa uu ka mid yahay jiil cusub, oo agtooda aysan ku weyneyn taariikhda, islamarkaana aan wax calool dabac ah u hayn Falastiiniyiinta. Marar badan ayuu sidan muujiyey,” waxaa sidaas yiri ilo-wareed la hadlay wargeyska Middle East Eye.

Toddobaadkii tegay, maamulka Trump ayaa shaaca ka qaaday “heshiiska qarniga” ee muranka badan dhaliyey, kaasi oo inta badan dhulka Falastiin loogu gacan gelinayo Israel. Saudi Arabia ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee sida weyn u taageersan qorshahan.