Juxa oo taageeray Siciid DENI, soona dhaweeyey shirka wadatashiga Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka hadlayey arrimaha Puntland ayaa soo dhaweeyey shirweynaha wadatashiga ee uu shalay ku dhawaaqay madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Deni.

Juxa oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in khudbadda Deni lagu soo aadiyey, xilligii ugu haboonaa ee laga tashan lahaa yaaha dambe ee Puntland.

Sidoo kale siyaasagaan ayaa tilmaamay in dooda ku aadan dowladnimada Soomaaliya iyo qaabka loo wajahayo ay tahay mid soo daahday oo loo baahnaa in la qabo xilli hore.

Wuxuu sidoo kale Juxa intaasi ku daray in muhiim ay tahay in 22-sano kadib markale dadka reer Puntland ay is-dultaagaan Soomaaliyada cusub.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay madaxweyne Deni uu shaaciyey shirweyne wadatashi ah oo Garoowe ka dhici doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020-ka.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka siyaasiga Cabdi Faarax Siciid Juax:

Go’aanka golaha xukuumadda Puntland ee maanta iyo khudbadda Madaxweyne Deni waxay kusoo aadeen xilli ku habboon. In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo waa dood soo daahday, loona baahan yahay in laga fara buuxsado.

In Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government), iyo inay noqoto mid wax badan kakala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo (Confederal or Federal system) sidii horey loogu heshiiyey ayey tahay in reer Puntland 22 sano kadib markale is-dultaagaan.

Wadatashi wacan reer Puntland.