Waraabe: Maamulka Biixi wuu rajo tiray dhalinyarada aqoonyahanka ah”

Hargeysa (Caasimada Online) –  Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa Xukuumada Muuse Biixi ku eedeyay inaysan qorshe ka laheyn dhalinyarada aqoonyahanka ah ee wax bartay.

Faysal ayaa sheegay in Dowladda federaalka ee Soomaaliya ay iyadu midaasi badalkeeda ay ka faa’iideysatay fursada uu maamulka Biixi lumiyey, isla markaana ay dhalinyaro badan ay waqti xaadirkan u safraan caasimada Muqdisho.

Wuxuuna xusay in xukuumada Farmaajo ay qaadato aqoonyahan badan oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo xukuumada Biixi ay ku xulan weyday aqoontooda, midaasi oo uu sheegay inay sababtay maamul xumada ka jirta gudaha Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi si weyn ugu dhaliilay inaysan dhalinyarada ku xulan aqoon, balse ay hayb ahaan ku doorato, wuxuuna yiri

“Umada waxa matala hogaanka, haddii uu hogaanku xumaado shacabkuna wuu xumaanayaa, madaxnimada iyo hogaamintana lama cidhiidhsado haddii aad cidhiidhsatana marka meesha laguu dhiibo waad fashilmaysaa waana ta maanta ina haysata”.

“Waxaanay maanta Soomaaliya inagaga fiican tahay aqoon, kuwaas imika ordaya ee Xamar ka dagayaa aqoontii ayey leeyihiin oo gaaladii ayey afgaranayaan aduunkana way la xidhiidhayaan, inagana hay’addaheena hadii la eego qof kaliya oo garanaya meesha uu joogo aqoonteeda ma jiro, marka hore-na looma qoro yaa wax ka taraya oo aqoonteedii leh ee yaa reer hebel ah ayaa lagu qoraa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxyaabaha ugu daran ee maanta uu dalku la socon la yahay waa aqoon-daro, waxaana jira dhalinyaro badan oo dibadaha wax ku soobartay oo khabiiro ah kuwaasna ma qorano oo Xamar ayaa qaadatay inaguna aqoon uma jeedno ee reer hebel ayeynu u jeednaa”.

Waxa muddooyinkii dambe isa-soo tarayay dhalinyarada reer Somaliland ee u safrayey caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si ay kor ugu kacdo fursada ay ku heli karaan shaqooyin, midaasi oo loo aaneynayo maamul xumada Muuse Biixi ee hab xulashada shaqaalaha.