Askari ka tirsan ciidanka DF oo kufsaday gabar 9 jir ah

Muqdisho (Caasimada Online)  – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramaya in askari ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya uu Kufsi u geystay gabar 9 sano jir ah oo ku sugneyd degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gabadhan oo ka timid Dugsi Qur’aan ayaa la sheegay inuu afduubtay askarigaasi, kuna Kufsaday guri ku yaalla ka soo horjeeda xarunta maamulka degmada Raage Ceelle.

Qaar ka mid ah ehellada gabadhaasi yar oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey Kufsiga, waxaana ay sheegeen in sidoo kale jirdil xoogan loo geystay gabadhooda.

Ehellada ayaa tilmaamay in askariga geystay falkan uu galay xarunta degmada, islamarkaana illaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigin.

Sidoo kale Waalidiinta gabadha yar ayaa maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno askarigaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabadha oo xaalad adag ku jirta loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdeeda caafimaad.

Dhacdadan ayaa waxa ay si aad ah u taabatay dadka deegaanka oo ka xumaaday falkaasi argagaxa leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com