Xog: Soomaaliya oo dacwad ka gudbisay dowlada Gini iyo tallaabo laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Dowladda Jamhuuriyadda Gini ay wajaheyso ciqaab adag oo ka dhalatay qaabkii ay u casuuntay Madaxweynaha Somaliland kadib markii ay ka carootay Soomaaliya islamarkaana xiriirka u jartay dalka Gini.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Caasiamda Online u sheegay in Gini loo gudbiyay warqado badan oo canbaareyn ah lagana dalbaday in ay raali gelin ka bixiso gafkii iyo xadgudubkii ay u geysatay dal kamid ah Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa u dacwootay Ururka Midowga Afrika oo ay kawada tirsan Soomaaliya iyo Gini kadib markii ay Gini ku xadgudubtay xeerarka Midowga Afrika.

Sharciyada Midowga Afrika ayaa waxaa kamid ah in dal kasta oo ka tirsan Midowga Afrika uu ilaaliyo Madaxbanaanida iyo Midnimada dal kale ee katirsan AU, waxa uuna sharcigaas sababay in Midowga Afrika ay ku dhegaan Dowladda Gini.

“Midowga Afrika ayaa Gini ka dalbaday in ay ka soo jawaabto sababtii keentay in ay ku xadgudubto Midnimada Soomaaliya oo ka tirsan AU” ayuu yiri Sarkaal sare oo katirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa maalin ka hor magaalada Hargeysa ka sheegay in Dowladda Gini ay wajaheyso cadaadis dibadda ah oo ay ku kasbatay aqoonsi uu sheegay in ay siisay Soomaaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@lkive.com