Kheyre oo sabab u ahaa in ballantii uu Farmaajo uga baxay odayaasha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhawaan ka baxay ballan uu la galay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha daga magaalada Muqdisho, taas oo ku saabsaneed go’doonka Gobalka Banaadir.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu damacsanaa in uu fuliyo ballantii uu la galay odayaasha balse uu ka diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in uu dib u dhigo ballanta odayaasha muddo aan la cayimin isagoo usoo bandhigay sababo badan oo muujinaya in laga baxi karo balantaasi.

Sida aan xogta ku helnay, Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku yiri. “Muadne Madaxweyne intii ay dadka naga dhiman lahaayeen, hanaga dhibtoodaano.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaatay talada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxayna ku balameen labada Mas’uul in cabashada odayaasha lagu wareejiyo Xasan Cali Kheyre.

“Haddii ay ku yimaadaan odayaasha dhaqanka u soo wareeji xafiiskayga aniga ayaa qaabili doono” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo baajiyay balan uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay noo sheegeen xubno ku dhow xafiiska madaxweynaha.

Kulankaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhacay maalin ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ka bixin magaalada Muqdisho una safrin Galmudug.

Lama oga halka uu ka dambeyn doono Jawhareerka ka jira magaalada Muqdisho iyo loolanka u dhaxeeya odayaasha iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan go’doonka Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com