Xof: Xaaf oo ka tanaasulay masharaxnimada Galmudug 

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa ka tanaasulay ka qayb-galka doorashada Galmudug ee sanadkaan 2019 kadib kulamo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xaaf oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Sii-hayaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame,  iyo masuuliyiin kale ayaa la isku raacay in Madaxweyne Xaaf uusan kamid noqon tartanka Madaxwweynaha Galmudug ee doorashada sanadkaan 2019.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Axmed Ducaale Geelle ayaa la sheegay in uu qaatay malaayiin lacag ah oo qayb ka aheyd heshiiskii uu la galay dowladda Soomaaliya kaas oo lagu gaaray magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Lacagta la siiyay Madaxweyne Xaaf oo lagu kala qaatay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la bixiyay habeenkii uu warqadda soo saaray Madaxweyne Xaaf ee ku beegneed 3-dii bishaan. Warqadaas waxaa ku qornaa in wixii hadda ka dambeeya dooraashada Galmudug iyo Shirka dib u heshiisiinta ay garwadayn ka tahay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in Xaaf uu hadda ka dhamaaday Arimaha Galmudug islamarkaana uu saxiixay heshiis ah in uusan ka qaybgali doonin tartanka Galmudug wixii hadda ka dambeeyana ay maamusho dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Xukuumadda Soomaaliya ee Xaaf siiyay lacagtaan oo lagu sheegay in ay ka badan tahay 3 milyan oo dollar ayaa Madaxweyne Xaaf u ballan qaaday in xil muhiim ah loo magacaabi doono dad uu wato..

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hore meesha uga saaray Madaxweynihii Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan kadib markii ay saareen cadaadis taas oo markii dambe sababtay inuu Iscasilo kana tanaasulo doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com